Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Dawlad Goboleed Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Booqashada ayaa ahayd salaan iyo is xogwaraysi, wuxuuna Hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ugu mahadceliyay Madaxweynaha Galmudug, sidoo kalena ku amaanay doorka Galmudug ay ka qaadanayso dowlad-dhiska Soomaaliya.
Kulankaan waxaa labada masuul ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.




