Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed guusha laga gaaray ka mid noqoshada in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadaha 2025 — 2026.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku tilmaamay tirada codadka ay heshay Soomaaliya guul kale oo taariikhi ah oo ay hanteen shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyay in tallaabadan ay muunjineyso sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay door muuqda ku yeelato masraxyada caalamiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha iyo dhibaatooyinka amni ee ka taagan adduunka.
May be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here