MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamze Cabdi-Barre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aden Abdulle nternational Airport ee Muqdisho.

Ra’iisulwasaaraha wuxuu u safray Magaalada Seoul  ee Xarunta Dalka  Kooriyada Koofureed halkaasoo uu kaga qeybgeli doono shir u dhexeeya Dalka Koonfur Kuuriya iyo Dalalka Afrika.

Advertisement

Sida uu sheegay Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaale shirkaan ayaa looga hadli doonaa xirirka soo jireenka ee u dhexeeya Afrika iyo Daka Koonfur Kuuriya, wuxuuna shirku qabsoomi doonaa 4-5 bishaan.

Af-hayeenka wuxuu intasi ku daray in waxyaabaha sidoo kale  Shir madaxeedka 2024 ee Kuuriya iyo Afrika looga hadli doono ay ku jirto isbadalka cimilada ee dunidu wajaheyso iyo dhibaatooyinka ka dhashay meelaha qaar.
Sidoo kale dhaqaalaha ayaa looga hadli doonaa iyadoo baniga horumarinta Afrika  iyo madaxda Afrika ay is arki doonan inta shirkaani socdo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
No description available.No description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here