SlovakiaHANDLOVA (DAYNIILE.COM)-Reysal wasaariha Dalka Slovakia ayaa la soo sheegayaa in la toogtay xili uu ka soo baxay xafiiskiisa islamarkaana gacan qaadayay dad shacab ah.

Masuulkaan ayaa dhaawac ahaan lagu qaaday, waxaa lagu qaaday mid ka mida diyaaradaha qumaatiga u kaca oo lagu gaarsiiyay goobaha caafimaadka si loo daweeyo iyadoona uu xaalad adag ku jiro.

Advertisement

Ra’iisul wasaaraha la toogtay ee Dalka  dalka Slovakia ninka lagu magacaabo  Robert Fico marka rasaasta lagu furaayay wuxuu dad ku hor salaamayay xarun dhaqameed oo ku taal bartamaha magaalada Handlova ee Dalkaasi Slovkia.

Madaxweynaha Dalka Slovakia iyo Raiisel wasaaraha Ingiriiska Rishi Sunak ayaa ka falceliyeen dhacdadaasi ay ku dhaqaaqeen kooxo hubeysan.

Madaxweynaha Dalka Slovakia haweeneyda lagu magacaabo Zuzana Caputova ayaa ugu cambaareysay weerarka,waxayna ku tilmaamtay fal ka soo ka dhan ah dimuqraadiyadda.

“weerarkaani waa mid arxan darro ah oo aan naxariis lahayn” ayay tiri mar kale.

Madaxweyne Zuzana Caputova waxay saxaafada u xaqiijisay in booliisku qabteen nin lagu tuhunsan yahay inuu ka danbeeyo weerarkaasi,sidoo kale waxay sheegtay hay’adaha amaanku bixin doonaan macluumaad dheeraad ah.

Ra’iisulwasaaaha Britain ayaa isna shaaca ka qaada inuu ka naxay weerarkaasi dhigiisa Slovokia lagu toogtay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Slovakia

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here