HomeWarkiiSabab Dowlada Somalia aysan u shaacin inay heshay Heykobtariska T129 ATAK ?

Sabab Dowlada Somalia aysan u shaacin inay heshay Heykobtariska T129 ATAK ?

May be an image of 1 person, helicopter and textDawladda Soomaaliya maxaysan usoo bandhigin diyaaradaha la sheegay inuu Turkiga ku wareejiyay ee T129 ATAK, oo ah diyaaraddo awood u leh inay meesha ka saaraan dheelitirka awoodda dagaalka, maaddama ay awood u leedahay inay fuliso weerarro burburin ah.

T129 ATAK, oo ay wadajir usoo saareen Turkiga iyo Talyaaniga oo ay ku xiranyihiin matooro Mareykanka uu soo saaro, waa mid ka mid ah nidaamyada dagaal ee ugu muhiimsan ee Turkiga uu soo saaro, waxaa afka hore uga xiran qoryaha ay ka dhacdo rasaasta 20mm, waxaa kaloo ay leedahay qoryaha daran dooriga u dhaca ,gantaallo lidka gaadiidka dagaalka ah (sida CİRİT iyo UMTAS), iyo gantaallo kale duwan, howlgalkeedana waa maalin iyo habeen aan laga dhuuman karin oo leh nidaamyo laysar iyo dareemo dhiigga ah oo loogu talagaly buuraha iyo kaymaha inay ka dhex oggaato cidda ku jirta! Waxay leedahay awood ay ku duuli karto 500 km iyo inay muddo saddex saac ah si xiriir ah weerarro u fulin karto.

Filibiin oo ah dalkii labaad ee ugu horreeyay oo 6 ka mid ah diyaaradahan dalbaday, kaddib heshiis Turkiga ay wada galeen sannadkii 2021, kaliya waxaa la gaarsiiyay 2 ka mid ah waxayna tan iyo waqtigaa Filibiin sugeysaa inay hesho afarta kale ee heshiiska qeybta ka ahaa. Pakistan , ayaa ah dalkii koowaad oo heshiis 1.5 bilyan ah sannadkii 2018 ku dalbaday 30 ka mid ah diyaaradahan, illaa hadda hal diyaarad xataa lama gaarsiin Pakistan, sababtoo ah waxaa hor istaagay Mareykanka oo iska leh matooradda ay diyaaradan ku shaqeyso. Sacuudiga iyo Qatar oo iyagana xiiseynaya wali ma helin diyaaradan.Waxaa xusid mudan Qatar inay tahay cidda bixisa lacagta hubka iyo nidaamyada dagaal ee Turkiga uu keeno Soomaaliya, tan oo qeyb ka ah heshiis saddex geesood ah oo saddexda dal u dhaxeeya..!

Diyaaradda muhiimadaa leh in saddex ka mid ah la keeno Soomaaliya, taasi waa dhacdo weyn oo ay ahayd in laga maqlo dhinaca Soomaaliya ama faafin rasmi ah oo Turkiga uu ku soo bandhigo, balse taa beddelkeeda wargeyska Middle East Eye, oo u janjeera dhinaca dawladda Turkiga ayaa ah illaa hadda warka halka uu ku koobanyahay , iyadoo warbixinta wargeyskan uu soo bandhigay sidoo kale lagu sheegay Turkiga inuu isku diyaarinayo sidii uu u buuxin lahaa booska uu ka baxay Mareykanka oo joojiyay taageerrada ciidanka Soomaaliya iyo kuwa gaarka ah ee Danab..!

WAXAA QOREY: IMAN JAMA
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -