GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo goor dhaw ka hadlaayay Shirka Jiheynta maamulkiisa oo Garowe ka furmay ayaa soo hadal qaaday sida uu u arko shirkii Muqdisho ku soo dhamaaday ee Golaha wada-tashiga qaran.

Siciid Dani wuxuu sheegay in shirkaasi wixii ka soo baxay aysan raali ka ahayn Puntland islamarkaana aysan ka qeybgalin.

Advertisement

”Dhowr qof go’aano ay soo saaraan yaan waqtiga dadka looga dhuminin”ayuu yiri Saciid Dani

Sidoo kale bulshada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay garsoorayaal ka noqdaan waxa dalka ka socda.

“Waxaan rajeynayaa in Bulshada Soomaaliyeed inteey indhaha kala furaan iyagu garsoorayaal noqdaan,waxa aan diidanahay waa waxa hada socda oo kale”ayuu mar kale yiri Saciid Dani.

Sidoo kale Madaxweyne Dani wuxuu xusay inay u baahan yihiin in Golayaasha Dowlada hogaamiya  inta isku yimaadaan madal nuucaan ah, lagana wada qeybgeliyo dadka oo dhan islamarkaana war cad laga soo saaro.

Madaxweynaha Puntlnd wuxuu sidoo kale sheegay in ka puntland ahaan ay xoogi saari doonaan midnimada dhexdooda isagoo ku soo hal qabsaday kiisa daryeelaa ku kale ku dara.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here