Ciyaaryahan Samuel Eto’o oo ah Madaxweynaha Xiriirka Kubada cagta Dalkiisa Camiroon ayaa qoraal ku qornaa afka faransiiska wuxuu aad ugu amaanay Soomaalida.
Samuel Eto’o wuxuu amaan kala dul dhacay Madaxweynaha Somalia ,Wasiirka ciyaaraha Somalia,Madaxweynaha xiriirka kubada cagta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Sida uu bartiisa Facebook ku soo qorey Wariye Maxamed Cabdi Muudeey qoraalka oo afsomali
Mahadsanid Muqdisho,
Soomaaliyay, waad ku mahadsan tahiin soo dhawaynti .
Waxaan dareemay gurigeyga ,
Halkaan inow ku yaalo .
Mudane Madaxweyne,
Waanu sii wadi doonnaa inaan idin garab istaagno si aan Soomaaliya uga dhigno mid ka sii weyn oo ka qurux badan.
daawadayaasha wey mahadsanyahiin 🙏🏿
Wasiirka Ciyaaraha,
Sii wad inaan gacmaha is-qabsano oo aan la shaqeeyo Mudane Madaxweynaha Federaalka,
walaalkay Cali Cabdi Maxamed.
Wadajir,
Waxyaalo waaweyn ayaad u qaban doontaa kubbadda cagta Soomaaliya.
Walaalnimo.