Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Ahmad Firin iyo Wafdi Saraakiil Sare ah oo Hoggaaminaayo ayaa ka qeyb galay Xafladda Qalin jibinta Dufcadda 12 -aad ee Jaamacadda Dalka Rwanda Qeybteeda Boliiska oo ay ku Jiraan Saraakiil Ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaliyeed

Saraakiisha Qalin Jibinaysa oo ka kooban Dalalka Afrika Waxaa Qeyb ka ah Saraakiil Ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomalaiyeed Kuwaas oo qaatey shahaadada heerka 2-aad ee Jaamacadda Dalka Rwanda, Kuliyadda Daraasaadka Amniga iyo Xalinta Khilaafaadka, Diploma Sare Istaraatiijiyada Maamulka iyo Maareynta sidoo kale dhameytay waxbarashada Abaanduul Sare.

Tirada Saraakiisha qalin jibisay oo ahayd 34 Sarkaal ayaa ka kala socday wadamada kala ah:- Somalia ,Botswana, Kenya, Lesotho, Malawi, Rwanda, Namibia, South Sudan iyo Tanzania

Xafladda Qalin jebinta waxay ka dhacday Dalka Rwanda, Gobolka Musanze Akadeemiyadda Sare ee Boliiska Dalka Rwanda.
May be an image of 5 people and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 11 people and textMay be an image of textMay be an image of 9 peopleMay be an image of 10 people and suitMay be an image of 6 people, flute, trumpet, clarinet and saxophone
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here