XAWAADLEEY (DAYNIILE.COM)-Kooxda Alshabaab ayaa bartooda baraha bulshada waxay ku faafiyeen sawirada diyaaradii heylkobtarka ahayd ee dhawaan ku dhacday deegaanka Xawaadlleey islamarkaana iyaga u gacan gashay.
Ciidamada Midowga Afrika ayaa ilaa shalay beeniyayay in diyaaradaasi aysan alshabaab ridib gacantoodana gelin balse ay iyaga si nabad ah dhulka ugu dejiyeen markii ay cilad ku timid.
Sawirada ay Alshabaab soo geliyeen warbaahintooda wuxuu cadeynayaa inay diyaaradu u gacan gashay ,waxay alshabaab warkooda ku shaaciyeen inay hub dhereeya ku soo rideen xili bur burnma uu ka muuqdo.
Marka si caadi ah loo qiimeeyo diyaarada waxaa cad inaan hub lagu soo ridin madaama aysan ka muuqan calaamado muujinaya sida gubasho iyo kala daadasho qaar ka mid ah diyaarada,sidaas daraadeed sheegashada labada dhinac Alshabaaab waxay ka run shegeen inay iyaga gacantooda gashay,sidoo kale ciidamada Midowga Afrikana waxay ka run sheegeen inaan la soo ridin oo ay iyagu si iskood ah u soo rideen cilad soo wajahday, marka laga qiimeeyo sida uu u yaal qolofka diyaarada balse xaqiiqada waxaan u deynay dadka aqoonta u leh milateriga iyo hubka.
Sawirada kooxda Alshabaab soo bandhigeen halkaan ka daawo:-
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM