MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Saaka maalintii 3-aad ka socda Madaxtooyada Soomaaliya shirkii Golaha Wada-tashiga Qaran ee u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Mdaxada Maamul Goboleedyada Dalka.

Shirka oo uu shir gudoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  waxaa saaka ku cusub oo ka soo qeybgalay xubno ka tirsan Xafiisa Amniga Qaran ee Madaxweyne Xasan iyo qaar Wasiirada ka mida.

Advertisement

Shirka waxaa saaka looga hadlayaa arrimaha amniga,dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo arimaha doorashooyinka maamu goboleedyada,sidoo kale arimaha mudo xileedka u harsan maamul Goboleedyada.

Sida la saadaalinayo arinta muda xileedka maamul goboleedyada wuxuu noqon doonaa qodobka ugu adag ee macquulka ah inuu saacado badan qaato islamarkaana uu keeni karo in khilaaf ka dhasho madaama Madaxweynayaasha maamul Goboleedyadu doonayaan inay mudo kororsi sameystaan ama doorasho dhibac u raran.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here