NAIROBI (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Waaxda Duurjoogta Kenya ayaa lagu shaaciyay in sedex libaax lagu arkay nawaaxiga xabsiga gabdaha ee Xaafada Langata kuwaasoo ka soo baxsaday Beerta Qaranka ee Nairobi.

Sida BBC-du sheegtay Waaxda Adeegga Duurjoogta Kenya ayaa la geeyay halka lagu arkay libaaxa ee Lang’at Nairobi.

Advertisement

Shacabka degan aagga Lang’ata ayaa lagu booriyay inay inay feejignaadaan madaama markii ugu horeysay halkaasi lagu arkay walow kadib aaney muuqan libnaaxyadu.

Koox ka socotay Waaxda Adeegga Duurjoogta Kenya ayaa shalay lagu amray inay aaga lagu arkay ka soo raadiyaan libaaxyada gaar ahaan nawaaxiga xabsiga langata

Qoraal ka soo baxay Waaxda Adeegga Duurjoogta Kenya ayaa lagu sheegay in la waayay libaaxyada markii saacado badan la baadi goobay lamana yaqaan halka ay ku dhuumanayaan.

kooxda loo xilsaaray baadi goobka Libaaxyadaan ayaa la sheegay inay heegan ku jiraan xili dadweynahana Nairobi iyagana la faray inay feejignadaan soona sheegaaan hadii ay meel ku arkaan.

Masuuliyiinta Dowlada Kenya ee arintaani ka hadleen ayaa xuseen inay muhiimada koowaad u tahay Hubinta badqabka dadweynaha madaama libaaxu yahay bahal dad cun ah oo qatartiisana leh.

Beerta Qaranka ee Nairobi ayaa ah  goob lagu xanaaneyo xayawaanaadka oo hadana caasimad dal ku dhex taal halka dunida intiisa kale xarumaha nuucaan ah banaanka magaalooyinka lagu sameeyo.

Maaha markii ugu horeysay ee isla goobtaasi ka soo baxsadaan bahalo dad cun balse hore ayay sidaan oo kale u dhacday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Three Lions" Images – Browse 137 Stock Photos, Vectors, and Video | Adobe  Stock

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here