HomeWarkiiShil tareen oo sababay dhimashada dad badan oo u dhashay Dalka Ruushka

Shil tareen oo sababay dhimashada dad badan oo u dhashay Dalka Ruushka

Todoba qof ayaa ku dhintay halka 69 kalena way ku dhaawacmeen kadib markii ay dumeen 2 buundo oo ku kala yaal laba gobol ka torsan dalka Ruushka walibana u dhaw xadka ay la wadaagaan dalka Ukraine.

Buundada dadka badani ku dhinteen saaka oo ku taal gobolka Kursk  waxaa la soo sheegaa inay lago’day Tareen nuuca xamuulka qaada ah, waxaana dadka dhaawacmay loo sameeyay gurmad.

Qeyb ka mid ah tareenku wuxuu ku dhacay waddo hoos marta buundada, wuxuuna saameyn ku yeeshay gaadiidkii oo qaarkood uu dab ka kacay walow si degdeg ah loo damiyay.

Guddoomiyaha gobolka Bryansk Alexander Bogomaz oo ka mid gobolada mashaqadaani ka dhacday ayaa bartiisa elegram kaga hadlay khasaaraha ka dhashay shilka.

“Nasiib darro, waxaa jira toddobo dhimasho ah iyo dad ka badan 66 dhaawacyada qaba kuwaasoo ay caruur ku jiraan”ayuu yiri Gudoomiyaha

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

a derailed train

people in uniforms stand with their backs to the camera

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -