HomeWarkiiShirka Wada-tashiga Qaran oo Galabta Muqdisho ka furmaya

Shirka Wada-tashiga Qaran oo Galabta Muqdisho ka furmaya

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shirka Golaha Wada-tashiga Qaran oo shalay baaqday ayaa maanta gelinka danbe lagu wadaa inuu ka dhaco Magaalada Muqdisho iyadoo uu shir gudoomin doono Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa shalay gelinkii dambe Muqdisho soo gaaray Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo Hirshabelle Cali Guud-laawe halka Madaxweynaha Koofur-galbeed C/casiis Lafta-gareen lagu wado inuu saaka soo gaaro  Magaalada Muqdisho,sidoo kale Hogaamiyaha SSC Khaatumo ayaa hore u yimid wuxuuna xamar joogaa dhowr maalmood.

Shirkaan waxaa ka maqan Madaxweynaha maamulka Puntlnd oo aan ka qeybgaleyn sidoo kale Madaxweynaha Jubaland Dowlada ayaa u diiday iyadoona shuruud looga dhigay inuu ka laabto doorashadiisii ugu danbeysay oo ay Dowladu sharci daro ku tilmaamtay.

Shirka Wada-tashiga Qaran waxaa lagu wadaa in looga hadli doono armaha masiiriga dalka sida nuuca uu noqon doono doorashada dalka ka dhici doonta marka uu dhamaado mudo xileedka Madaxweyne Xassan.

Wararka shirkaani ku dhaw dhaw waxay sheegayaan in Madaxda shirkaani ka qeybgeli doonta ay isla wataan mashruuca doorashada  inay noqoto mid qof iyo cod ah inkasoo mucaaradka iyo Puntland iyo Jubaland wada aaminsan yihiin in xiligaan aan la qaban karin doorasho qof iyo cod ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -