MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa mamnuucday Baasaboorka Taiwan in lagu soo galo dalka madaama maamuulkaasi aan wax dowlad ah caalamku dhamaan u aqoonsaneyn.
Madaxda Taiwan ayaa markii akhbaatiisi gaartay aad uga caroodeen
iyagoona ku tilmaamay talaabo qaldan oo Somalia ay qaaday.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa sidoo kala ka hadashay waxayna xuseen in Go’aanka Dowlada Somalia uu ka hor imaanayo Xorriyada socdaalka iyo badqabka Muwaadiniinta reer Taiwan.
Sidoo kale Taiwan waxay sheegtay in Dowlada Somalia cadaadis kaga yimid Shiinaha ay sidaas u sameynayaan.
Carada ay Taiwan ka qaaday talaabada Somalia ayaa ku xanbaartay inay markiiba muwaadiniintooda ku dhahaan ha aadina Somalia iyo amni xumaa ka jirta iyo ereyo kale oo carada ay ka keentay kuwaasoo ay amniga Somalia ku durayaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM