Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Geneva ayaa u kictimay Magaalada Berne ee wadanka Switzerland si uu kulan gaar ah ula yeeshay Mr.Masahiko Metoki Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) oo halkaas xaruntooda ah.

Socdaalka Wasiirka ayaa ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu lahaa oo ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii.

Agaasimaha Guud ee UPU, Mr. Masahiko Metoki ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga Cafiyey Deyntii lagu lahaa maadaama ay buuxisay Shuruudihii laga rabay.

Deyn Cafinta kadib Soomaaliya waxa ay si rasmi u noqotay Xubin buuxda oo ka tirsan Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyadoo laga qaaday xannibaadii saarneyd.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo, inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibeddiisa wax u dirno iyadoo Wasaaraddu ku hoolantahay in la dhameestiro Qorshahaas.
May be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and people studyingMay be an image of 4 people and the Oval OfficeMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 7 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here