NEW YORK (DAYNIILE.COM)-Maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa in Soomaaliya ay xubin jooga ah ka noqoto Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxaa maanta ka qabanayaa cod-bixinta golaha guud ee Qaramada Midoobay markaasoo aad loogu rajo weyn yahay in Soomaaiya loo doorto inay  xubin joogto ah ka noqoto Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Advertisement

Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi oo ku suga New York kana qeybgalaya doorashadaan ayaa isna lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka marka doorashadu dhacdo si uu gu mahadceliyo dalalka dooranaya Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa ugu danbeysay 53 sano ka hor inay ka mid noqoto dalalka xubnaha joogta ah ka heysta Golaha amaanka Qaramada Midoobe,waxaana sida qorshuhu yahay Soomaaliya ay kursigaan ku fadhin doontaa mudo 2 sano ah oo ka bilaaban doonta horaanta sanadka 2025.

Kursiga joogta ah ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobe waxaa sidoo kale lagu wadaa in iyagana maanta loo doorto dalalka kala ah Pakistan,Panama,Denmark iyo Greece.

Shantaan Dal ee maanta lagu wado in la doorto oo ay soomaaliya ka mid tahay waxay badalayaan Japan,Mozambique, Switzerland, Malta,  iyo Ecuador.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here