Baladweyne (dayniiile.com)-Taliyaha Booliiska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Axmed Cali Aadan ayaa BBC-da u sheegay inay dad u xireen qaraxii sabtidii dhacay.

Taliyaha wuxuu xusay inay baaris ku socoto eedeysanayaaasha marka ay soo dhamaatana ay warbaahinta la wadaagi doonaan.

Advertisement

“dad loo heysto qaraxii Baladweyne ayaa xiran dhawaana maxkamad ayaa la keeni doonaa” ayuu yiri Taliyaha Booliiska B/weyne.

Mar wax laga weydiiyay laamaha amaanka inay qaraxaan xog ka heleen ayuu sheegay in dhowr maalin ka hor maalintii qaraxa loo sheegay in dhanka qoraxsinka uu ka soo galay gaari walxaha qarxaha sida.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay Taliyaha isla maalinta sabtidii in gaarigaasi barta koontorool inuu ka soo gudbay uuna cashuurta iska bixiyay,taliyaha wuxuu sheegay inuu ka soo gudbay koontoroolka liiq liiqato.

“Markaan ogaanay inuu buundada ka soo gudbay ayaan warbixiniisa u gudbinay koontaroolada kale ee Booliiska kadibna ciidan ayaan daba dhignay nasiib xumo markii lagu qabtay koontaroolka ayuu is qarxiyay”ayuu yiri Taliyaha

Si kastaba Taliyaha wuxuu sheegay in dhimashada inta la xaqiijiyay ay tahay 34 ruux halka dhaawacana la xaqiijiyay 48 ruux.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here