HomeWarkiiTaliyaha Sirdoonka Qaranka oo arimaha dagaalada kala hadlay ciidamada ku sugan Deg.Moqokori+SAWIRRO

Taliyaha Sirdoonka Qaranka oo arimaha dagaalada kala hadlay ciidamada ku sugan Deg.Moqokori+SAWIRRO

MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee (NISA), Mudane Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa maanta Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiran wuxuu kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada qaar ee Milateriga iyo macawisleyda ka howlgala Hiiraan.

Kulankaan Agaasimuhu wuxuu kala hadlay saraakiisha dardargelinta amniga iyo howlgalada ka dhanka ah Alshabaab kuwaasoo ka socda qeybo ka mida deegaanada Gobolka Hiiran.
Sidoo kale waxaa kulanka lagu lafa gurey kor u qaadista wada shaqeynta hay’adaha ammaanka, ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanka taasoo ujeedkeedu yahay ka guuleysiga kooxda Alshabaab.
Agaasime Sambaloolshe ayaa sidan oo kale shalayna ula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan waxaana uu kala hadlay isla arimaha dagaalada ka dhanka ah Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM May be an image of 5 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of one or more people, tree and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 6 people
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -