QAZA (DAYNIILE.COM)-Hay’adda saxafada ayaa sheegtay in 219 wariye la dilay, 430 kalena la dhaawacay tan iyo Oktoobar 2023 oo ay ka soo wareegatay qiyaasotii sanad iyo bar.
Ururka saxafiyiinta Falastiiniyiinta (PJS) ayaa ku dhaleeceeyay ciidanka Israa’iil siyaasad joogtada ah ee ay ku beegsadeen ama ku laayeen saxafiyiinta iyo qoysaskooda.
Warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Wafa, ayay hay’addu ku sheegtay in 219 suxufi iyo shaqaale warbaahin Falastiiniyiin ah lagu dilay weerarrada Israa’iil tan iyo 7-dii Oktoobar, 2023, oo ay ku jiraan 30 haween ah.
PJS waxa ay intaa ku dartay in Israel ay dhaawacday ugu yaraan 430 saxafi, isla markaana ay dishay 685 xubnood oo ka tirsan qoyska saxafiyiinta Falastiiniyiinta.
Ugu yaraan 1,000 suxufi oo ku sugan Gaza ayaa ku nool barakac soo noqnoqda, ayay raacisay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
SOURCE ALJAZEERA
DAYNIILE.COM