MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kadib wada-hadalkii maalmo 3 maalin ka hor ay yeesheen Madaxweynayaasha Somalia iyo Turkey ayaa la sheegayaa in Turkigu Dowlada Somalia siiyay sedex diyaaradood oo ah nuuca dagaalka.
Sedexdaan diyaarad ayaa la sheegay inay yihiin heylkobtaro nuuca loo yaqaan T129 Atak si loogu adeegsado dagaalada ka dhanka ah Alshabaab, diyaaradahaan ayaa Muqdisho la soo gaarsiiyay.
Dowlada Turkiga ayaa hore waxay tababar u siisay duuliyayaal Soomaaliyeed gaar ahaan habka loogu dagaalamo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Heylkobtariska.
Tababar bixinta duuliyayaasha ayaa sababtay in Turkigu ku dhiirado inuu Somalia ugu deeqo diyaaradaha qumaatiga u kaca si Soomaalidu isku filnaasnho dhan kasta ah u gaaraan,waxayna duuliyayaashaani soo dhameysteen heerarki ugu damneeyay ee tababarka.
Madaama Somalia iyo Turkey kala saxiixdeen iskaashi dhanka difaaca ah waxaa sidoo kale wararku tilmaamayaan in Turkigu ciidamada Badda Somalia dhisayo oo xitaa diyaaradaha helokobtariska uu ku taageeray si ay badda u ilaaliyaan.
Si kastaba talaabada Dowlad Turkigu qaaday ayaa muujineysa in Turkiga xoojiyay taageerada dhanka difaaca ee ay Soomaaliya ka siiso dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM