Dhuusamareeb (dayniiile.com)- Wafdi ka socda Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshaballe C/xakiin Luqmaan ayaa la soo sheegayaa inuu gaaray Xarunta Maamulka Galmudug ee Dhuusa-mareeb.

Gudoomiyaha wuxuu durba kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhawaad laba bilood ay fariisin u tahay dhuusa-mareeb si uu halkaasi dagaalada uga maamulo.

Advertisement

Labada dhinac waxay ka wada hadleen dardar gelnta dagaalada Hirshabelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan oo uu ka soo jeedo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha wuxuu uga warbixiyay dhaq-dhaqaaqyada ka jira dhanka Galbeedka Hiiraan oo dhawaan Gudoomiyuhu ciidamo uu isagu abaabulay ay ka howgaleen.

Dagaalada ayaa in mudo ah waxay ka socdeen dhanka bari ee Gobolka Hiiraan iyadoo Alshabaabkuna wali haystaan inta badan Galbeedka lamana oga Gudoomiyaha inuu dhaqaale u soo doontay Madaxweynaha si ay dagaalka ugu wadaan iyo salaan ugu yimid.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here