QAZA (DAYNIILE.COM)-Israa’iil ayaa mar kale duqeysay isbitaalka Nasser ee Khan Younis, xilli ay sii ballaarineyso duullaanka dhulka ee koonfurta Gaza, halkaasoo ay ku dishay ugu yaraan lix falastiiniyiin ah magaalada koonfureed.
Ugu yaraan 23 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay guud ahaan Gaza tan iyo waaberigii ka dib markii militariga Israa’iil ay qaadeen weerar ballaaran oo dhulka ah Axaddii.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay u oggolaan doonaan xaddi xaddidan oo gargaar ah oo la galiyo Gaza, laakiin ma cadda goorta sahaydu ay geli doonto xayndaabka.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 53,339 falastiiniyiin ah waxaana ku dhaawacmay 121,034, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Xafiiska Warbaahinta Dowladda ayaa tirada dhimashadu ka badan tahay 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaan qof oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo maleynayo inay dhinteen. Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay bishii Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.