QAZA (DAYNILE.COM)-Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga falastiiniyiinta, UNRWA, ayaa hakisay qaybinta cuntada ee Rafah, sababo la xidhiidha weerarrada Israel ee magaalada iyo sahay la’aan.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 85 qof la dilay 200 oo kalena ay dhaawacmeen 24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Advertisement

Ugu yaraan toddobo qof oo ay ku jiraan macallin iyo dhakhtar ayaa lagu dilay weerar ay ciidammada Israa’iil ku qaadeen Jenin oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Falastiin.

Xafiiska bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in 40 boqolkiiba dadka Gaza, ama in ka badan 900,000 oo qof, ay si qasab ah ku barokaceen labadii toddobaad ee u dambeeyay.

No description available.

Ugu yaraan 35,647 qof ayaa lagu dilay 79,852 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza. Dhimashada dib loo eegay ee Israa’iil ee ka dhalatay weerarka Xamaas ayaa ah 1,139, iyada oo daraasiin weli la haysto.

            =SOURCE ALJAZEERA=
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here