Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ayaa sheegay in Gaza ay tahay meesha ugu gaajada badan dhulka, Xafiiska wuxuu xusay in dhammaan dadka 2.3 milyan oo qof ee ku xeeran gaza ay wajahayaan gaajo masiibo ah.
Ciidamada Israa’iil ayaa dilay laba qof oo kale oo gargaar doonayey goob lagu qaybinayey oo ku taal galbeedka magaalada Rafah ee koonfurta Qaza.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in heshiiska xabbad joojinta ah ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas uu aad u dhow yahay, lagana yaabo in lagu dhawaaqo isla maanta.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay ugu yaraan 54,321 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 123,770, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.
Xafiiska Warbaahinta ee Dowladda ayaa dhimashadiisa u cusbooneysiiyay in ka badan 61,700, iyadoo sheegtay in kumannaanka qof ee lagu la’yahay burburka hoostooda loo maleynayo inay dhinteen.
Qiyaastii 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaamisay ee Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200na waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM