GAZA (DAYNIILE.COM)-Duqeymo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Jenin ayaa lagu dilay 7 qof oo Falastiini ah, tiro kalena waa lagu dhaawacay, iyadoo ay sii kordhayaan rabshadaha xasuuqa Yahuuda.

Xamaas ayaa sheegtay inay diiday qorshe kasta oo ay ku doonayso inay ciidamo shisheeye ku geyso Qaza ama lagu wiiqo maamulka madax banaan ee Falastiiniyiinta ee dhulkaas.

Advertisement

Duqeymaha Israa’iil ayaa weli ka sii socda guud ahaan Qaza iyadoo ay soo noqnoqonayso barakicinta Falastiiniyiinta.

Madaxa sirdoonka Israel ee Mossad David Barnea ayaa booqday Doha isagoo ah madaxa ergada wada xaajoodka ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya horumar ka dib jawaabtii ugu dambeysay ee Xamaas ay ka bixisay soo jeedinta xabad joojinta.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay weli jiraan kala-duwanaansho u dhexeeya dhinacyada, balse wada-hadallada xabbad-joojinta ayaa lagu wadaa inay dib u bilaabmaan toddobaadka soo socda.

Ugu yaraan 38,011 qof ayaa lagu dilay 87,445 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here