GAZA (DAYNIILE.COM)-Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 77 qof ay ku dhinteen 221 kalena ay ku dhaawacmeen deegaankaas  24-kii saac ee ugu dambeeyay.

Diyaaradaha Israa’iil ayaa duqeymo ka geystay iskuul ay Qaramada Midoobay maamusho oo ku yaalla bartamaha Qaza ku dilay dad Falastiiniyiin ah,  Ciidamada Israel ayaa sheegay in dagaalyahanada Xamaas ay sidoo kale ku jireen hoyga.

Advertisement

Dhexdhexaadiyayaasha Masar iyo Qatar ayaa lagu soo waramayaa in ay filayaan in Xamaas ay soo gudbin doonto jawaabteeda hindisihii ugu dambeeyay ee xabad joojinta iyadoo cadaadiska uu sii kordhayo si heshiis loo gaaro.

Isbitaalka Al-Aqsa ee Deir el-Balah waa “markab quusaya” – oo ay buux dhaafiyeen dhaawacyo iyo meydad – ka dib maalmo duqeymo aan kala joogsi lahayn oo ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen bartamaha Gaza, sida ay sheegtay Dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn (MSF).

Ugu yaraan 36,731 qof ayaa lagu dilay 83,530 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here