Dagaalo ba’an oo dhanka waddooyinka ah iyo duqeymaha Israa’iil ayaa ka socda magaalada Rafah maalin kadib markii taangiyo ay ku soo rogmadeen bartamaha koonfurta magaalada Qaza oo ay gabaad ka dhiganayaan boqolaal kun oo rayid ah.

Duqeymaha Israa’iil ayaa lagu dilay ugu yaraan 37 falastiiniyiin ah, kuwaas oo intooda badan ay ku dhaceen teendho.

Advertisement

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay la wareegeen guud ahaan dhererka xadka Gaza ay la wadaagto Masar – oo loo yaqaan ‘Philadelphi Corridor’ – taas oo muujinaysa in ay sii xoojisay duullaankeeda dhulka in kasta oo caalamku cambaareeyay.

“Dagaalka Gaza wuxuu socon karaa todobo bilood oo kale si loo gaaro burburinta awooda Xamaas” ayuu yiri lataliyaha amniga Israel Tzachi Hanegbi

Ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa duqeeyay oo dilay laba ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Ururka Bisha Cas ee Falastiin xilli ay isku dayeen in ay soo badbaadiyaan dad dhaawac ah oo ku sugan Tal As-Sultan, ee galbeedka Rafah.

Ugu yaraan 36,171 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 81,420 kalena waa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

SOURCE ALJAZEERA

 XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here