HomeWarkiiWariir Fiqi muxuu ku soo arkay xerada ciidamada Turkida ee Muqdisho+SAWIRO

Wariir Fiqi muxuu ku soo arkay xerada ciidamada Turkida ee Muqdisho+SAWIRO

Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay booqasho rasmi ah ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa halkaas si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay saraakiisha Turkiga iyo ardayda Soomaaliyeed ee halkaas ku jira tababarka ciidanimo.

Booqashada Wasiirka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Türkiye ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş. Munaasabaddan ayaa muujisay muhiimadda uu Dugsiga TURKSOM u leeyahay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la adkeeyay iskaashiga qotoda dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Türkiye ee dhinaca difaaca.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta iyo kobcinta awoodda ciidamada qaranka.May be an image of 6 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 14 peopleMay be an image of 3 people and text that says "YURTTASULH YURTTA SULH CİHANDA SULH 00円 PEACE K AT HOME PEACE IN THE WORLD C Iee"May be an image of ‎3 people, hospital and ‎text that says "‎Iه SOMALİ TÜRK GÖREV KUVVETİ C* KOMUTANLIĞI X‎"‎‎May be an image of 2 people and text that says "YURTASULH YURTE SULH CIHANDA CİHANDASULH SULH PEACE PEACETHOME AT HOME PEACE IN PEACEINTHEWORLD THE WORLD astn"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -