HomeWarkiiWasiirada arimaha dibada Somalia iyo Masar maxay ka wada hadleen

Wasiirada arimaha dibada Somalia iyo Masar maxay ka wada hadleen

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS oo Kulan La qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee Jamhuuriyadda Masar, Dr. Badr Abdel-Atty. Kulankaasi ayaa ka dhacay magaalada Baqdaad, xilli la qabanayay shir hordhac u ah shir-madaxeedka waddamada Carabta.
Wasiir Abdel-Atty ayaa ugu horrayn hambalyo u diray dhigiisa Soomaaliyeed xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Masar in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee kala dhaxeeya Soomaaliya. Wuxuu xusay in xiriirka labada dal la gaarsiiyay heer istiraatiiji ah bishii Janaayo 2025, xilligii uu Madaxweynaha Soomaaliya booqday Masar.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar doorka muuqda ee ay ka qaadanayso xasilloonida Soomaaliya, isagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal.May be an image of 2 people, dais and the Oval OfficeMay be an image of 2 people and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -