Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa isla  daahfuray dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyey taliska qeybta guud ee ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka ee (Traffic).

Munaasabada daah-furka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa masuuliyiin kale sida Taliyaha ciidamada Taraafikafa,Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil Ciidan.

Advertisement

WasiiXr Fartaag oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa amaanay adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan ciidanka Taraafikada isagoona xusay in dib u hagaajinta xarunta ay kaalin weyn ka qaadan doonto howlaha shacabka loo hayo.

Taliye Sulub ayaa si weyn u amaanay ku simaha taliyaha taraafikada oo waxqabad weyn muujiyay mudo laba bilood ah uu ku sime ahaa,taliyaha ayaa ku tilmaamay 2 bil oo 20 sano ka qiima badan.

“Waxaan diyaar u nahay in aan xoojino shaqada ay qabtaan ciidanka Taraafikada sidoo kalena aan buuxino baahiyaha ay qabaan”.ayuu yiri Taliye Sulub

May be an image of 5 people and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais, newsroom and text that says "CIIDA TALISKA TALISKA OEY MAALIYEED MARENN G/BANAADIR OMALI POLICE FORCE WADOOYINKA BADGALYADA YADA MM ១ N 서 SOMAL"May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and text

 

 

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here