Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay safiirka Jarmalka ee Soomaaliya Amb. Sebastian Groth iyada oo looga hadlay nabad dhiska, gargaarka banii’aadnimo iyo dhibaatooyinka fatahaadaha.
Amb. Sebastian Groth safiirka Jarmalka ee Soomaaliya oo goobta ka hadlay ayaa adkeeyey sida dalkiisu ugala shaqeynayo xukuumadda Soomaaliya arrimaha hortabinta u leh.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowlada Jarmalka iyo saxiibada kale ee caalamiga ah sida ay Soomaaliya uga taageeraan arrimaha la xiriira qaran dhiska.
——-
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
𝑿𝒂𝒇𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒓𝒊𝒊𝒓𝒌𝒂 𝒊𝒚𝒐 𝑾𝒂𝒓𝒃𝒂𝒂𝒉𝒊𝒏𝒕𝒂
Email: Communications@moifar.gov.so





