Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo maanta booqasho ku tegay Xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah ee hay’adda SODMA ayaa wuxuu ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka inay si dhow ula socdaan xaaladda soo korortay, xilli laga cabsi qabo fatahaado iyo daad horleh.

Wasiirka ayaa soo kormeeray qeybaha kala duwan ee xaruntan, ayada oo halkaasi uu ku soo dhaweeyey guddoomiyaha hay’adda maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo ku xigeenkiisa Dr Axmed Cabdi Aadan.

Advertisement

Hay’adda ayaa waxay wasiirka u soo bandhigtay warbixin la xiriirta xaaladda fatahaadaha dalka, dedaallada ay wado iyo in gargaar gaarsiisay goobaha cabsida laga qabo, si hadii xaladahaan dhacaan dadka hoy uga dhigtaan.

Bandhigga kadib, wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya Cali Xoosh ayaa ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaaliyeed si joogta ah loola wadaago xaaladdaha fatahaadaha si ay uga feejignaadaan khatar ku iman lahayd noloshooda iyo hantidooda.

Waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed ee deggan webiyada Jiinkooda iyo togoggada ku adkeeyay in ay u dhego-nuglaadaan farriimaha digniinta ah iyo talooyinka ka imaanaya khubarada Hey’adda SODMA.

Ugu dambeyntii wuxuu wasiirka ugu baaqay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna u diyaar garoobaan saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha ka dhasha roobabka la filayo inay dalka ka da’aan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u soo saartay digniino la xiriira fatahaado horleh oo laga cabsi qabo, kuwaasi oo la filayo in ay dhacaan asbuucan.

SODMA ayaa sheegtay inay aad u sareyso suurta-galnimada in tobanka cisho ee soo socoto ay dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada.

Waxay si weyn u saameyn doonaan degmooyin ay kamid yihiin; Doolow, Luuq, Bu’aale, Jilib, Beledweyne, Bula-burde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaar kale oo webiga uusan marin, sida ay shaacisay hay’adda SODMA.

“Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Mudug, Togdheer, Sool, Nugaal iyo Bari ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyn doonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas,” ayaa lagu yiri digniinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here