Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumada Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamee oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay ujeedka safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu u tagay Magaalada Maxaas.

Wasiirka wuxuu sheegay in Madaxweynuhu doortay istaraatiiji ahaan inuu Magaalada Maxaas ka dhigto fariisinka uu ka maamuli doono dagaalka Dowladu kula jirto Alshabaab.

“Madaxweynuhu wuxuu u yimid Degmada Maxaas inuu  ka abaabulo dagaalka khawaarijta looga saarayo dalka.”ayuu yiri Wasiirka Batroolka

Dhanka kale Wasiirku wuxuu xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sii joogi doono Maxaas ilaa dagaalka Alshabaab laga soo afjaro.

“Degmada Maxaas waa Magaalo xuduud ku taal,waa magaaladii howlgaladaan ka bilowdeen,waxaa ku sugan Saraakiil Xoogga Dalka iyo Macawisleyda ka tirsan kuwaasoo qibrad u leh la dagaalanka Al-shabaab”ayuu mar kale yiri Wasiirka Batroolka C/risaaq Cumar Maxamed

XAFIISKA WARARKA DAYNIIILE.COM

MOGADISHU-SOMALIA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here