HomeWarkiiWasiirka Isgaarsiinta Somaliland "Madaxweyne  Cirro laguma canaanan karo imaanshaha Xamse Cabdi Barre"

Wasiirka Isgaarsiinta Somaliland “Madaxweyne  Cirro laguma canaanan karo imaanshaha Xamse Cabdi Barre”

HARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Isgaadhsiinta Maamulka Somaliland Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur ayaa si ka duwan madaxdii hore ee maamulkaasi uga hadlay arinta booqashada Ra’iisulwasaaraha Dowlada Soomaaliya  Xamsa Cabdi-Barre  ee Magaalada Laas-caanood.
Wasiirkaan oo ka yara degan kuwii hore islamarkaana u muuqda siyaasi xaqiiqada cagta saaray ayaa daboolka ka qaaday in Magaalada Laas-caanood ay gacantooda ka baxday sanadkii 2022-kii xiligii uu madaxweynaha ka ahaa Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
“Tegista Laascaanood ee Xamse Cabdi Barre, Raysal wasaaraha Somalia, waxba kama beddelayso jiritaanka Somaliland”ayuu yiri Wasiirkaasi.
Wasiirka wuxuu intaasi ku daray in Madaxweyne Ciro xilka qabtay  iyada oo Laascaanood ay ka maqan tahay gacanta Somaliland.
“Madaxweyne  Ciiro laguma canaan karo imaanshaha Xamse Cabdi Barre” ayuu mar kale yiri Wasiirka
Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in imaanshaha  Laascaanood ee Xamse Cabdi Barre uusan noqonayn  mid qaddiyada Somaliland wax ka bedeli kara, islamarkaana Dowlada Somalia iyaga laftigooduna aanu waxba ku biirin karin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -