MOQOKORI (DAYNIILE.COM)-Amar culus oo ka soo baxay Macawisleyda reer Hiiraan ayaa lagu faray haweenka u dhaxay Dagaalamayaasha Alshabaab inay hirshabelle gaar ahaan Hiiraan inay ka baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Kulan ay saraakiisha Macawisleyda Hiiraan ku yeesheen Degmada Moqokori ayay ku shaaciyeen inay ilaa hada diiwaan geliyeen 4 xaas inta ay ka war hayaan balse ay ku raad joogaan inta kale.
Macawisleyda waxay ku goodiyeen in xaaskii aan u hogaansamin amarkooda ay iyagu gacantooda uga saari doonaan deegaanada Gobolaka Hiiraan.
Sababta ay u eryayaan xaasaska Alshabaab ayay Macawisleydu ku sheegaan inayba ka daran yihiin kuwa dagaalamaya madaama sida ay ku eedeeyeen inay sirta ciidamadooda u gudbiyaan nimanka qaba iyaga.
Waa markii ugu horeysay oo amar nuucaas uu ka soo baxo macawisleyda lamana oga sida ay Dowladu uga fal-celiso talaabada ay qaadeen macawisleyda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM