XIGASHO LAACIB.NET
Xabi Alonso oo shirkiisii jaraa’id ee ugu horreeyay ee uu qabto isagoo ah tababaraha cusub ee Real Madrid, ayaa kaga hadlay xiriirka uu la leeyahay ciyaartoyda iyo doorka uu u arko Jude Bellingham In uu Kooxda ku yeelan karo.
Alonso ayaa yiri: “Anigu inta badan ma jecli inaan is sharaxo, balse waxaan u baahanahay in aan ciyaartoyda la yeesho xiriir dhow iyo isfaham. Xiriirkaas ayaa i tusinaya xaaladda kooxda iyo waxa uu ciyaaryahan kasta u baahan yahay. Waan ogahay doorkayga – waxaan ahay macalinka kooxda. Waxaan jeclahay inaan u dhowaado ciyaartoyda.”
Markii laga hadlayay Jude Bellingham, Alonso wuxuu sheegay: “Wuxuu noqon karaa ciyaaryahan khaas ah oo meel kasta lug ku yeesha, waayo waa ciyaaryahan khaas ah. Qrshaha ay Real Madrid kusoo qaadatay wuxuu ahaa in uu mustaqbalka kooxda saameeyn ku yeesho. Wuxuu jiraa 21 sano, wuxuuna noqon doonaa tiir muhiim u ah mashruucyada mustaqbalka ee kooxda.
“Waqtigii ugu fiican ayaa la jooga si loola shaqeeyo. Waxaan u arkaa inuu yahay khad dhexe. Waxaan isku dayi doonaa inaan ka dhigno midka ugu wax tarka badan kooxda.”