Ra’iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cai Khere ayaa goor dhaw war qoraal uu soo saaeray wuxuu eedeyn ba’an ugu jeediyay Madaxda Dowlada Somaliya hogaamineysa xiligaan.
Xasan Cali Kheyre wuxuu Dowlada ku eedeeyay cabsi-gelinta,qafalka iyo cagajugleynta ay ku hayaan dadka Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.
Qoraalka Ra’iisulwasaarihii hore ahna musharaxa ugu cad cad ee xilka Madaxweynaha doorashada soo socota ayaa sidan u qornaa:-
Waxaan si adag u cambaareynayaa falalka xadgudubka, cabsigalinta, iyo qafaalka ah ee Dowladdu ka waddo degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, si ay dowladdu shacabka degmada ugu qasabto in ay iska diiwaangeeliyaan doorashooyinka macmalka ah ee uu ku riyoonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Cabsigalinta iyo qafaalka ka socda goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda waa isku-day gurracan oo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta, dhaqanka dowladnimada, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah. Waxaana ayaandarro ah in ciidamadii amniga loo adeegsanayo jajuubka, cabsigalinta, iyo qafaalka shacabka degmada Kaxda.
Waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqayaa in uu degdeg uga laabto amarka uu bixiyay ee lagu caburinayo dadweynaha degmada Kaxda, kana joogsado doorashada aan heshiiska ahayn ee uu ku riyoonayo, taas oo halis ku ah midnimada, wadajirka ummadda, iyo xasilloonida dalka.