MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh lagu qasbay oo lagu cadaadiyay inuu la fadhiisto muaaradka Muqdisho ku soo qulqulaya islamarkaana uu ku qanciyo habka uu u qaban doono doorashooyinka madaxtinimo ee soo socota 2026-ka.
Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Somalia uu aqbalay cadaadiska beesha Caalamka kaga imaanaya islamarkaana uu ugu dambeyn bartamaha bisha June ee soo socota uu qaban doono kulan u dhexeeya Dowlada iyo mucaaradka.
Waxyaabaha ugu xasaasisan ee ay isku qaban karaan mucaaradka iyo Dowlada ayaa u badan wax ka badalka uu dastuurka ku sameeyay Madaxweyne Xassan oo ay u arrkaan mucaaradku talaabo hal dhinac u janjeerta waxaana laga yaabaa inay ka mid noqoto qodobada ugu adag ee la isku qaban doono.
Sidoo kale qodobka u baahan doona faragelinta ee Xasan Sheekh ku ad adag yahay ayaa ah doorashada qof iyo qof halka mucaaradkuna aaminsan yihiin inaan la gaarin islamarkaana xasan uu ogyahay balse uu ka rabo oo kaliya inuu mudo kororsi ka raadiyo.
Cadaadiska Beesha Caalamka waxaa sidoo kale qeyb ka ah in Madaxweyne Xassan wax ka qabto khilaafka kala dhexeeya labada maamul ee Puntland iyo Jubaland kuwaasoo beesha Caalamku dooneyso inay qeyb ka noqdaan kulanka aayaha Somalia looga hadlayo ee Xassan qabanayo.
Lama yaqaan sida Madaxweyne Xassan uga dabaalan doono inuu Jubaland shirka ku soo daro xili Dowladu aqoonsaneyn madaxtinimada Axmed Madoobe,sidoo kale waxaa Xasan xalis ka rabta sida uu ka yeelayo qorshihiisa doorashada qof iyo cod.
Dadka siyaasada aadka u taxliilaya waxay aaminsan yihiin in sidii Farmaajo Caalamku Xasan ku qancin doonaan inuu teendhada aado oo uu ka tanaasulo fikirkiisa doorashada qof iyo cod.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM