MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaaka Soomaaliya ayaa maanta ku balansan inay kulan ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho iyadoo qodobo xasaasi ah lagu wado inay maanta ka doonaan.
Kulanka ayaa qabsoomi doona hadii kooramka uu buuxsamo xili dhowr mar oo la soo dhaafay uu baaqday taasoo salka ku heysa xurgufta ka dhexeysa xildhibaanada mucaaradka iyo gudoonka.
Ajandaha maanta miiska saaran ayaa lagu sheegay akhrinta labaad heshiiska lagu dhisay Urur goboleedka IGAD oo Somalia ay xubin ka tahay madaama ay ku mideysan yihiin dalalka geeska Afrika.
Kulankaan waxaa aad loogu rajo weyn yahay in kooramku buuxsamo shirkuna qabsoomo inkastoo wali aan xal loo helin waxyaabaha shirarka mugdiga geliyay.
Dhanka kale kulamada malmaha soo socda ay yeelanayaan xildhibaanada wuxuu ku soo aadaya xili dhawaan ay geli doonaan fasaxa xajka iyo Ciida oo xigta.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM