MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ugu dambeyn waxaa la shaaciyay in berito oo arbaco ay Muqdisho ka dhaceyso xaflad weyn oo lagu shaacinayo Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee balaarinta lagu sameeyay.
Xisbigaan waxaa ku biirey oo isbahaysi ku wada ah siyaasiyiinta ugu badan ee hal xisbi isugu yimid ebid marka la eego magacyada iyo xilalka ay dalka ka hayaan.
Xisbigaan oo awal ahaa UPD waxaa loo badalay Xisbiga ama Ururka Cadaalada iyo Wada-jirka.
Xaflada shaacinta waxay beri oo arbaco ah ka dhaceysaa Hoolka Muqdisho oo dhan ugu weyn ee Sahal kaasoo ku yaal isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Xisbgaan waxaa ku soo biirey Siyaasiyiinta kala ah Ra’iisulwasaaraha Somalai Cabdi-Barre, Madaxweynaha Maamulka Koofur-Galbeed C/casiis Lafta-gareen, Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guud-laawe, Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor,Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Aadan Madoobe, Gudoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka Somalia Cabdi C/laahi Xaashi iyo xubno kale.
Warqada ka soo qeybgalka Xaflada shaacinta Xisbiga waxaa ku cad in berito ay dhaceso insha Allaah, iyadoo lagu wado inuu maanta dalka dib ugu soo laabto Gudoomiye Aadan Madoobe,sidoo kale madaxweynayaasha maamul Goboleedyada ayaa sidaas oo kale macquul ay tahay inay maanta Muqdisho soo gaaraan si dhamaan looga wada qeybgalo xaflada shaacinta Xisbiga la balaarshay ee Madaxweyne Xasan odeyga u yahay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM