MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Maalinta Abacada waxaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka dhaco shir balaaran oo ku balansan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka intooda badan marka laga reebo Farmaajo,Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.
Maanta waxaa Muqdisho soo gaaray Ra’iisulwasaarayaashii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Roobke iyo Saacid Shirdoon,sidoo kale waxaa la socday Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal, waxaana muuqata mucaaradka Xamar soo gaaray inay yihiin laba koox oo qeyb walba is fahamsan tahay.
Waxaa hore Muqdisho qaarna u soo gaareen qaarna hore u joogay Madaxweynihii hore Shariif,Ra’iisulwasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre ,iyo Cumar C/rashiid iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Guud ahaan Mucaaradkaan ayaa wararku tilmaamayaan inay ku balansan yihiin inay Arbacada kulan weyn ku yeeshaan Muqdisho si ay ugu dhawaaqaan isbahaysi weyn oo ay ku mideysan yihiin.
Warar ku dhaw dhaw siyaasiyiintaan ayaa sheegaya in isku day lagu doonayay in Farmaajo loogu soo daro isbahaysigaan ay dideen qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka kuwaasoo ku andacoonaya in Xasan iyo Farmaajo labadooda dowlad ee isu xigtay ay gaysteen qaladaad isku mid ah sidaas daraadeed Farmaajo aanu ka mid noqon karin isbahaysigooda.
Mucaaradka waxay aaminsan yihiin in mowqifkooda siyaaseed
 aanu la jaanqaadi karin Dowladii Farmaajo iyo Xasan ee hada jirta
islamarkaana aanu jirin wax badan oo ay ku kala duwan yihiin, marka loo eego ficilada iyo hab dhaqankooda siyaasadeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
