NAIROBI (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo Magaalada Nairobi ee xatunta Dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasj ay maalmihii ugu dambeeyay isku arkeen xildhibaano Dowlada ka tirsan iyo siyaasiyiin dhamaantood mucaarad ku ah Dowlada Somalia ee xiligaan uu hogaaminayo Madaxweyne Xassan Sheekh.
Kulanadii ugu dambeeyay Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha maamulka Jubaland iyo masuuliyiin dowladeed kuwaasoo ka arinsaday qabsoomida shir weyn oo ka dhan ah Dowlada faderaalka Somalia.
Sidoo kale waxaa isna Nairobi ku sugan maalmihii ugu dambeeyay Saciid Dani waxaana Xog aan helnay ay sheegeysaa in labadaan madaxweyne maamul Goboleed isla qalaalinayaan shir weyn oo ka dhan ah Dowlada.
Xogtu waxay intaasi ku dareysaa in qorshuhu yahay shirka inuu ka dhaco mid ka mida labada magaalo ee Kismaayo iyo Garowe iyadoo wali aysan isku raacin magaalada la isugu tagi doono.
Shirkaan oo sida kii xamar la filayo in laga soo saari doono war ay u dhan yihiin ayaa waxa ugu weyn mowqif mideysan oo ay ka qaadan doonaan gogosha uu dhigay madaxweyne Xasan iyo arimaha dastuurka iyo doorashad nuucey noqon doonto intaba.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM