MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada qorshe siyaasadeed culeyskiisa wata shaki badana dadka qaar ku abuuraya sida in doorasho loo dhan yahay inuu qaban doono iyo in ku shubasho ay jidka ku soo jirto.
Xisbigii UPD ayaa dhawaan magacii laga badalay oo la balaariyay waxaana ku soo biirey sedexda Madaxweyne ee Maamulada Galmudug,Hirshabelle iyo Koofur-galbeed,sidoo kale waxaa ku soo biiray labada Gudoomiye aqal ee Baarlamaanada Somalia.
Xogta aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh iyo xisbigiisa ay Arbacada ku dhawaaqayaan urur-siyaasadeed ay ku midaysan yihiin oo loo bixiyey Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka – JSP kaasoo lagu badalay kii hore ee UPD.
Madaxweynaha ayaa qorshayaal badan ku hoos wada arintaani, waxayna sii xogeysan doontaa marka xisbiga balaarintiisa la shaaciyo berio islamarkaana ay ka soo dhex muuqan doonaan madax caan ka ah Somalia sida Xamsa Cabdi-Barre, Lafta-gareen,Cali Guud-laawe,Qoor-qoor,Aadan Madoobe iyo Cabdi C/laahi Xaashi iyo xubno kale.
Xogaha aan heleyno waxay sheegayaan in Xukuumada Ra’iisulwasaare Xanmse dhawaan lagu kordhin doono sedex wasiir oo hor leh kuwaasoo wasaarado hada jira oo laba laba isu dulsaaran la ala qaadi doono si loogu qanciyo xubnaha cusub ee xisbiga Madaxweynaha ku soo biirey.
Wasaaradaha la kala qaadayo waxaa ka mid ah Wasaaradaha Caddaaladda & Dastuurka, Warfaafinta & Dalxiiska, halka wasaarada dheereead ah lagu soo kordhin doono taasoo aan hada ku jirin wasaaradaha diiwaan gashan ee shaqeey.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM