Warbaahinta Dalka German oo soo xiganeysa ilo wardoon ayaa kashifeen qorshe dowlada Ruushku la damacsan tahay Madaxweynaha Ukarine Zelensky.
Qorshaha ayaa la sheegay inuu yahay in Ruushku go’aansaday in bisha danbe ee june ay ku qaadaan Dalka Ukraine weerar culus kaasoo ay ku doonayaan inay dhul balaaran kaga qabsadaan Dowlada Ukraine.
Qorshaha Ruushku uu ka damacsan yahay weerarkaan ayaa ah inuu Madaxweynaha Ukarine Zelensky gaarsiiyo heer uu wax gorgortan ah la geli karin Ruushka xili reer galbeedku bush gareynayo kulamo wada hadal iyo heshiis dhex mara Ruushka iyo Ukraine.
Ruushka wuxuu doonayaa in meelaha yar ee Dowlada Ukraine ay dalkeeda ka joogto inuu kala wareego si uu meel cidlo ah usoo itsaajiyo Zelensky.
Lama oga sida reer galbeedku uga jawaabi doonaan hadii ruushku qorshahaani sida ay tahay ay u fuliyaan oo dhulka Ukraine oo dhan uu doonayo inuu ku qabsado.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM