Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta guddoomiyey kulanka joogtada ah ee hay’adda SoDMA kaas oo diiradda lagu saaray sidii loogu diyaar garoobi lahaa shirka madasha arrimaha bani’adannimo ee dalka (CHF) oo lagu wado inuu ku qabsoomo Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, waxaa kulankan looga hadlay sida ay hay’adda ugu go’antahay joojinta barnaamijyada lacagta caddaanka ah (Cash Programs) ee hay’adaha gargaarka siiyaan barakacyaasha, taasoo aafo nololeed ku ah mustaqbalka dadka nugul ee la qabsaday ku tiirsanaanta lacagtaas.

Advertisement

Hay’adda SoDMA ayaa qorsheyneysa in lacagtaas caddaanka ah dadka loogu beddelo hormarinta xirfaddooda si ay u gaaraan madaxbannaani dhaqaale u helaan taas oo kulanka lagu ansixiyay cod aqlabiyad ah, iyadoo hay’addu qorsheyneyso furitaanka xarun weyn oo bixisa tababar xirfadeed oo ay SoDMA leedahay taasoo dadka xirfado kala duwan lagu barayo, isla-markaana laga caawinayo dib ugu celinta degaannadii ay ka soo barakaceen.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here