Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta Go’aan kasoo saareysaa kiiska eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku eedeeyay in uu gubay Xaaskiisii Luul Cabdicasiis oo u geeriyootay maalmo kadib dhaawacii kasoo gaaray Dabka.

Ilaa Afar fadhi ayey ka yeelatay Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu dhageystay qareenada difaacayay, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud iyo marqaatiyaal Maxkamadda ay dalbatay.

Advertisement

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horay dil toogasho ah ugu xukuntay Sayid-Cali Macalin Daa’uud, racfaan ayuu ka qaatay xukunkaas, waxaana maanta lagu dhawaaqi doonaa xukunka Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir.

XIGASHO WARBAAHINTA QARANKA

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here