HomeWarkiiYuusuf Garaad oo ka shifay arin amniga qatar ku ah oo mar...

Yuusuf Garaad oo ka shifay arin amniga qatar ku ah oo mar kastana Dowladu ku dhaqaaqdo

Wariye hore iyo wasiirkii hore ee arimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar ayaa qoraal uu soo saaray ku ka shifay arin amniga qatar  ku ah oo mar kastana Dowladu ku dhaqaaqdo.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in siraha dowladu banaanka iska yaalaan isagoona tusaale u soo qaatay xil ka qaadista shalay dhacday ee Agaasimihii hore ee Sirdoonka sanbaloolshe lagu baladay Mahad Maxamed Salaad.

Yuusuf Garaad wuxuu sheegay in bilo ka hor la sii ogaa oo baraha bulshadana lagu wareejinayay taasina ay amniga dalka qatar ku tahay, xitaa wuxuu sheegay inay saameyn ku yeelan karto dagaalada dalka ka socda sida mooralka ciidamada.

Hadaba halkaan ka akhriso qoraal-ka Yuusuf Garaad uu Dowlada kula talinayo oo sidiisa u qoran:

Madaxda sare ee dalka ayaa sharci u leh magacaabid iyo xil ka qaadista mas’uuliyiinta hey’adaha fulinta. Talada caatada ah ee aan ku darsanayo waxay tahay, marka aad go’aanka gaartaan, fadlan markiiba ku dhaqaaqa fulintiisa. Haddii ay jiraan sababo dib u dhigaya, ugu yaraan qarsoodi ha idiin ahaado go’aanku oo xogtiinna xafida. Mas’uulka baraha bulshada ku qoran in xilka laga qaadayo, ogna in ay run tahay, niyad buuxda kuma shaqeyn karo. Sidoo kale inta uu madax u yahay ayay saameyneysaa shaqadooda. Haddii uu mas’uul ciidan yahayna, kaba sii daran oo waxay saameyn kartaa mooraalka iyo wadashaqeynta ciidanka. Intaas oo dhan waxaa looga badbaadi karaa sirta oo la xafido, oo aan lala wadaagin mas’uul aan qeyb ka ahayn go’aanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -