Madaxweyne Farmaajo oo Amray in La Bixiyo Mushaarka Ciidamada Dowladda Soomaliya.


Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta xafiiska la wareegay ayaa amar ku bixiyay in la bixiyo Mushaaraadka Ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaliya.

Ciidamada Booliska Soomaliyeed oo ah kuwa ugu shaqada badan ayaa nasiib u yeeshay in ay helaan mushaaraadkooda oo muddo aan la siinin, waxaa la siiyay lacago gaaraya $200 oo dollar-ka Mareykanka ah askari kasta, waxaa loogu tuuray Taleefanadooda.

Qaar kamid Ciidamada Booliska Soomaliyeed oo helay lacagihii ay xaqa u lahaayeen oo la hadlay idaacada Simba ayaa sheegay in aysan helin wax mushaar ah bilooyinkii dambe, waxayna Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo kaga mahadceliyeen sidii uuu ugu fududeeyay helida mushaarkooda.

Dhanka kale Maalinta Sabtida ah ee taariikhda ay ku beegan tahay 18-ka Bisha February waxaa la bixin doonaan Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya oo dhankooda wax mushaar ah helin muddo fara badan.

English News
WARARKII