Muqdisho, 28, Febaraayo, 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray Madaadii’da Nabadda ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Adduunka ay ka jirto wal-wal la xiriira sii jiritaanka nabadda, taas oo muhiim ka dhigaysa in la helo xeerar sal adag oo lagu xakameynayo cid walba oo wax yeelaysa nabadda adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii nabadda, horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana ay muhiim tahay in la kobciyo hey’adaha dowliga ah, si bulshada loo gaarsiiyo adeegyada ay u baahan yihiin ee xoojinaya nabadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dagaalka lagula jiro Kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya dalka ay yihiin kuwo lagu raadinayo nabadda, isaga oo ugu baaqay dhallinyarada ay marin habaabiyeen argagixsadu in ay ku soo laabtaan jidka saxda ah, kana tanaasulaan afkaarta gurracan ee lagu daadinayo dhiigga ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo isu soo dhaweynta bulshada, kana fogaadaan wax walba oo dhaawaci kara nabadda ummadda.

Waxa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in dariskeeda ay kula noolaato nabad, dhankeedana aysan aqbali doonin in lagu soo xadgudbo Qarannimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
farhan.jimale@opm.gov.so
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and text that says "NAASABADDA ADDA DAAHFU AADII'DA ABADDA ee SOOMA LAUNC PRINCIP NO REMONY OF LE IN SOMALIA"May be an image of 4 people, lighting, table and daisMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people, people studying and dais
Previous articleOdey-dhaqamed Bessha Habar-jeclo “waxaa Muqdisho igu dili rabay Muuse Biixi “
Next article18 Best Sites to Download Free Books in 2024

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here