QAZA (DAYNIILE.COM)-Dhinaca bari ee Rafah waxaa ku socda duqeymo joogto ah iyadoo sarkaal sare oo Israa’iil ka tirsan uu sheegay in milatarigu uu ku sii socdo” duulaanka dhulka ee la qorsheeyay, isagoo iska indha tiraya guuxa sii kordhaya ee digniinaha caalamiga ah ee ah in la joojiyo.

Ardayda iyo macalimiinta jaamacadaha Maraykanka ayaa sii wada mudaaharaad ay ku midaysan yihiin Falastiiniyiinta, iyadoo mudaaharaadyo la mid ah ay sidoo kale ku fideen dalal kale.

Advertisement

Afhayeenka madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ay muhiim tahay in dhammaan cadeymaha baaritaanka si wanaagsan loo ilaaliyo,  xabaalo wadareedyada Gaza.

Ugu yaraan 34,356 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay 77,368 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleMuxuu ku saabsan yahay kulanka uu Madaxweyne Xasan kaga qeybgalay Dalka Tanzania+SAWIRRO
Next articleCiidamada Atmis ee Jubaland oo baaritaano caafimaad u fidiyay bulshada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here